Hoppa till huvudinnehåll

Dabbaaldegga ardayda qalin jebinaysa 2021

Degmada Linköping waxay rabtaa in ay dhammaan ardayda siiso qalin wanaagsan oo ku aaddan waxbarashada dugsiga sare. Dhab ahaantii ardaydu waa ay mudanyihiin in loo hambalyeeyo, ayna dabbaaldegaan sanooyinkii dhammaa ee waxbarashada ka dib. Laakiin, xitaa sannadkani waa uu ka duwnaan doonyaa sanooyinkii hore marka la eego dibad u ordidda.

Iyadoo ay ugu wacantahay aafada iminka socota waxaa xafladaha qalinjebinta ee sannadkan loo fulinyaa qaab si fiican looga fikiray oo ka beddelan kuwii hore. Waa muhiim in dhammaanteen aynu is caawino oo qaadno mas’uuliyad. Kala durka, ha abuurina isku imaatin badan oo dad oo raaca tilmaamaha iskoolka. Si wada-jir ah ayaynu isaga kaalmeynaynaa inay inoo ahaato maalin fiican oo aynu kuligeen ku xusuusano farxad.

Dabbaaldegga ardayda qalin jebinaysa oo la soo gaabiyay

  • Jimcada ay bisha Juun 11 tahay ayey dhaceysaa dibad u ordidda dugsiyada sar-sare ee degmada Linköping. Waqtiyada dibadda loo ordayo waxaad ka heli kartaa bogga intarneetka ee dugsi sare kasta uu isagu leeyahay

  • Ardaygaaga qalin-jebinaya la kulan wakhtiga loogu talogalay. Si la isaga ilaaliyo dad badan oo meel ku ururay waxaa muhiim ah in aan la iman wakhi aad u horeeya iyo in dadka kale si qaddarin leh looga durko

  • Si toos ah ka dib dibed u soo baxa iyadoo la cararayo ayaa ardayga qalin-jebiyay iyo qaraabadoodu si wada-jir ah uga tagayaan jardiinada iskoolka. Waxaa goobta joogi doona shaqaale si ay idinka idiin hagaan

  • Laba qaraabo ah calaa arday ayaa ka qayb-qaadan kara dibed u soo baxa

  • Dibed u soo baxa iyadoo la cararayo wuxuu u dhici doonaa fasal ahaan inta lagu jiro maalintaas oo dhan. Waxaanu kala durkinaynaa wakhtiyada si jardiinada iskoolka ay nafis ugu ahaato dadka qaabilaya ardaygooda

Talooyinka guud

  • Haddii aad dareemaysid xanuun - xitaa calaamaada ugu yar ee hargeb, waa inaad joogtaa guriga

  • Haddii aad ka tirsantihid koox khatar ku jirta, oo aadan weli tallaal helin ma habboona in aad ardaygaaga soo doontid

In la ardey ahaan la qalin-jebiyo waa marxalad weyn oo nolosha ka mid ah, sannadkan waxaynu u baahanahay inaynu kuligeen iska caawino inaynu qalin-jebinta ardeyda ku dabbaaldegno iyadoo aynu isu muujinayno is-qaddarin.

Senast uppdaterad den 12 maj 2021